Wednesday, October 14, 2026
HomeWararDibaddaMareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn khasaaro dhalisay oo ay ka fuliyeen...

Mareykanka oo War kasoo saaray Duqeyn khasaaro dhalisay oo ay ka fuliyeen Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in duqeyn dhinaca cirka ah la beegsadeen dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab , kuwaa oo ku sugnaa deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM ayaa war ay soo saareen ku sheegay in 10-kii bishan duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaanka Ugunji oo katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Africom ayaa sheegtay in duqeyntan ku timid codsi uga yimid dowladda Soomaaliya , waxa ayna sheegeen in duqeynta lagu dilay saddex xubnood oo katirsanaa  Al Shabaab , waxa ayna xuseen in duqeynta aysan khasaaro kasoo gaarin dad shacab ah.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa xoojiyay duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda, waxaana muddooyinkii lasoo dhaafay Mareykanka duqeeyeen goobo kala duwan oo Al Shabaab ku sugnaayeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe