Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaPuntland oo xukunno kala duwan ku riday rag iyo dumar loo haysto...

Puntland oo xukunno kala duwan ku riday rag iyo dumar loo haysto inay qaraxyo u kala gudbinayeen Alshabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ee fadhigeedu yahay magaalada Boosaaso ayaa midkiiba 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay afar nin oo lagusoo eedeeyay inay katirsan yihiin Alshabaab.

Xukumanayaasha oo lagu kala magacaabo, Cabdirisaaq Maxamed Shire, Siciid Faarax Cabdiqaadir, Farxaan Weyrax Lixad iyo Cabdiqani Cali Faarax ayaa lagu eedeeyay inay qaraxyo u kala gudbinayeen kooxda Alshabaab.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale Raxmo Weydow Cabdi iyo Shamso Cali Isaaq ku xukuntay min shan sano oo xabsi ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen raggaan la xukumay.

Xukunka shakhsiyadkan ayaa kusoo beegmay iyadoo magaalada Boosaaso ay muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayeen qaraxyada ay kooxda Alshabaab halkaas ka geysanayso, iyadoo laamaha amniga lagu eedeeyay inay ku fashilmeen wax ka qabashada amni darrada magaalada Boosaaso ka jirta.

Khamiistii lasoo dhaafay, ciidamada amniga Puntland ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay shakhsiyaad ajaanib ah oo lala xiriirinayo inay katirsan yihiin kooxda Daacish. Waxaa lagu qabtay degaan hoos yimaada degmada Ufayn ee gobolka Bari.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe