Monday, August 24, 2026
HomeWararDibaddaMaxay kala yihiin 3da qodob ee Madaxweynaha JFS uu kala hadlay Culimada...

Maxay kala yihiin 3da qodob ee Madaxweynaha JFS uu kala hadlay Culimada Soomaaliyeed?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay Culimada Soomaaliyeed waxa uu kala hadlay saddex qodob oo kala ah: La dagaalanka AS, Xoojinta Midnimada & Xal u helidda caqabadaha dib u dhigay Dalka.

May be an image of 5 people

Qoraal kooban oo Madaxtooyada Soomaaliya kasoo saartay kulankaan ayay ku sheegtay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu Culimada ka codsaday in ay doorkooda ka qaataan ka gudubka caqabadaha dalka dib u dhigay iyagana oo aqbaleen.

May be an image of 5 people and dais

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa culimada Soomaaliyeed ku tilmaamay in ay laf-dhabar u yihiin la dagaalanka ‘AS’ iyaga oo door muuqda ka qaatay kulamadii looga hadlay billowgii howlgallada lagu qabtay deegaanno dhowr ah.

May be an image of 7 people and dais

Culimada ayaa dhankooda waxa ay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud u gudbiyeen talooyin ku aaddan dib u dhiska, horumarinta Dalka & la dagaalka Fikirka waxa loogu yeero ‘Xagjirnimada’ sida hadalka loo dhigay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe