Wednesday, June 24, 2026
HomeWararDibaddaCiidanka Badda Hindiya oo lagu daad gureynayo xeebaha Bari ee Soomaaliya.

Ciidanka Badda Hindiya oo lagu daad gureynayo xeebaha Bari ee Soomaaliya.

Cutubyo ka tirsan ciidamada badda Hindiya ayaa la geynayaa biyaha istaraatiijiga ah ee Jabuuti, Gacanka Cadmeed, Xeebta Bari ee Soomaaliya iyo sidoo kale Waqooyiga iyo Badda Carabta.

Ujeeddada loo geynayo ciidamada Hindiya halkaas ayaa ah si ay u ilaaliyaan maraakiibta ganacsiga iyadoo la eegayo xaaladda amniga badda ee gobolka sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Hindiya.

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Ajay Bhatt ayaa isaga oo ku sugan Lok Sabha ka sheegay in ciidamada badda ay qeybahooda ka howlgalaan gacanka Cadmeed iyo xeebaha Bari ee Afrika si ay ula dagaalamaan burcad badeedda.

Asbuucyadii lasoo dhaafay maraakiibta dagaalka Hindia ayaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan maraakiib iyo kalluumaysato ajaanib ah oo ay afduubteen kooxaha burcad badeedda Soomaaliya, kuwaas oo doonayayinay ka qaataan madax furasho.

Waxaa jiray walaac caalami ah oo isa soo tarayay oo ku saabsan maleeshiyada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto oo weerar ku qaaday maraakiib ganacsi oo kala duwan oo marayay badda cas tan iyo bishii November.

Weerarrada Xuutiyiinta ayaa u muuqda inay jawaab u yihiin weerarka milatari ee Israel ay ku qaadday Gaza.
QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe