Tuesday, July 14, 2026
HomeWararDibaddaAbaabulkii ugu dambeeyay ee weerar ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda...

Abaabulkii ugu dambeeyay ee weerar ka dhan ah Al-shabaab oo ka socda Koonfurta gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Caad ee Koonfurta gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen saacadahii lasoo dhaafay ciidamo cusub oo isugu jira ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo ka tagay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ciidamadaan ayaa qeyb ka noqonaya ciidamo horay usii joogay deegaanka Caad oo isugu jira ciidanka xoogga iyo Macawiisleeyda, kuwaas oo maalin ka hor dagaal culus kula galay gudaha deegaankaas xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo weerar ku qaaday.

Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ciidamadaan ay soo gaareen waqtigii loogu baahi badnaa, islamarkaana ay haatan weerari doonaan goobaha kooxdu ay kaga sugan yihiin gobolka Mudug.

Wuxuu sidoo kale sheegay Sarkaalka ka tirsan ciidanka xoogga in dagaalkii maalin ka hor Al-shabaab kusoo qaaday deegaanka Caad iney uga dileen 40 ka mid ah xubnahii Shabaab ee weerarka soo qaaday, islamarkaana ay meydad kooda qaadan waayeen.

Deegaanada dhaca Koonfur Mudug waxaa mudo dhowr bilood ah ka socda howlgalada ka dhan ah kooxda Al-shabaab, waxaana howlgaladaasi Al-shabaab looga saaray deegaano badan oo ay horay u maamuli jireen in ka badan 15 sano.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe