Friday, July 10, 2026
HomeWararDibaddaDiyaarad shil ku gashay Bakool & duuliyihii diyaarada oo geeriyooday.

Diyaarad shil ku gashay Bakool & duuliyihii diyaarada oo geeriyooday.

Shil Diyaaradeed ayaa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Degmada Ceel-barde ee Gobolka Bakool.

Diyaarada oo la sheegy inay sidday gargaar ay ka qaaday Muqdisho ayaa kabaxay Dhabaha waxaana ay Dhexgashay Guri ka agdhow Garoonka Diyaaradaha Ceelbarde.

Warar hor dhac ah oo aan ka helnay dadka deegaanka ah ayaa xaqiijinaya in uu geeriyooday duuliyihii diyaaradda islamarkaana uu ku dhaawacmay caawiyihii duuliyaha.

Goobta  uu shilkan ka dhacay waxaa gaaray masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Dhacdadan  waxaa si  aad ah maanta looga hadal hayaa  gudaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

QORAALADA LA XIRIIRA

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe