Thursday, November 20, 2025
HomeWararDibaddaWariyeyaal Hargeysa ku xirnaa oo Xabsiga laga siidaayay

Wariyeyaal Hargeysa ku xirnaa oo Xabsiga laga siidaayay

Telefishanka MMTV ayaa baratiisa bulshada ku sheegay in xabsiga laga sii daayey laba ka mid ah ahaa saddex weriye oo maalintii Axaddii ay qabteen laamaha amniga, sida ay sheegeen ururka suxufiyiinta Somaliland.

Saxafiyiinta la sii daayey ayaa telefiishanku sheegay inay kala yihiin Ilyaas Cabdinaasir iyo Maxamed Cabdi Cabdullaahi Andar. Sidoo kale waxaa telefiishanku tebiyey inuu jro suxufi kale oo isna la sii daayey.

Hase yeeshee waxaan weli la sii daynin Maxamed Cabdi Ilig oo ah guddoomiyaha MMTV.

Ururka suxufiyiinta Somaliland ayaa sheegay in laamaha amniga ee Somaliland ay fiidnimadii Sabtida xireen saddex weriye oo ka tirsan telefishanka MMTV.

Xilliga xariggu dhacay ayaa la sheegay inay socotay dood lagu falanqaynayey is-afgaradkii 1-dii bishan Jannaano ay wada gaareen Itoobiya iyo Somaliland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe