Tuesday, August 25, 2026
HomeWararDibaddaAjaaniib Dahab gaaraya 940 Garaam ka xaday Muqdisho oo lagu qabtay Qardho...

Ajaaniib Dahab gaaraya 940 Garaam ka xaday Muqdisho oo lagu qabtay Qardho (Sawirro)

Ciidamada booliiska dowlad goboleedka Puntland ayaa magaalada Qardho ku qabtay ajaaniib kasoo jeeda dalka Syria, kuwaa oo ku eedeysan in magaalada Muqdisho ka xadeen dahab gaaraya 940-garaam.

Ajaaniibtan oo kala ah labo rag ah iyo labo dumara ayaa suuqa degmada Xamarweyne qaab indho-sarcaad ah uga qaatay dahabkan tirada badan, waxa ayna kaddib ka dhoofeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyaga oo aaday dhinaca Puntland.

Eedaysanayaasha burcadnimada loo heesto ee booliiska Puntland qabteen ayaa kala ah, Cabdikariin Axmed Almuhamed, Jamiila Qasi Yuusuf, Cabdalla Cabdikariim Axmed, iyo Malay Cabdi dikarim Ahmed.

Booliiska Puntland ayaa sheegay in xubnahan oo ka kooban hal qoys ka qabteen magaalada Qardho kaddib howlgal ay sameeyeen, waxa ayna booliiska sheegeen in si deg deg ah sharciga loo horgeyn doono.

Muuqaalka CCTV ayaa laga arkayay burcadan kasoo jeeda Syria oo suuqa Xamarweyne si indha-sarcaad ah uga qaadanaya dahabkan tirada badan ay lahaayeen haween ganacsato Soomaaliyeed.

   

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe