Thursday, August 20, 2026
HomeWararDibaddaATMIS oo saldhig ciidan ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

ATMIS oo saldhig ciidan ku wareejisay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS, ayaa ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka, saldhigga hawlgelinta ee Horillow oo kamid ah saldhigyada ciidamada ATMIS ay kaga sugnaayeen degaanada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wareejintan ayaa qeyb ka ahayd wajigii 2-aad ee dhimista 3,000 oo askari oo ATMIS ah, taasoo qayb ka ah hindisaha ballaaran ee kala guurka.

Saraakiisha ATMIS ayaa sheegay inay ka go’an tahay in mas’uuliyadaha amniga ay si joogta ah ugu wareejiyaan gacmaha Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa badi la wareegay xarumaha ay baneeyeen ciidamada ATMIS ee dalka laga saarayo. Dhawaan ayay ahayd markii Ciidanka Xoogga Dalka ay la wareegeen ammaanka madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraar kasoo baxay golaha ammaanka ayaa faraya howlgalka ATMIS in bishaan December lasoo gabagabeeyay wajiga labaad ee dhimista ciidanka Soomaaliya ku sugan.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheynaya inay ciidamadeeda helaaan dib u qalabayn xooggan, ka dib markii dalka laga qaaday cunnaqabatayntii hubka ee saarnayd.

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe