Thursday, August 20, 2026
HomeWararDibaddaMaydka Wasiir Khadiija oo laga soo dajiyay Muqdisho

Maydka Wasiir Khadiija oo laga soo dajiyay Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho laga soo dajiyay maydka waisirkii haweenka iyo xaquuqul insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye oo shalay ku geeriyootay waddanka Jabuuti.

Diyaarad gaar ah ayaa maydka marxuumadda kasoo qaaday dalka Jabuuti, waxaana la socday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa haatan socda qaban qaabada aas qaran oo wasiiradda loogu sameynayo magaalada Muqdisho, waxaana ku howlan guddi gaar ah oo ay u xil saartay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ka qayb-galaya aaska madax kala duwan oo ka tirsan dowlada dhexe, mas’uuliyiin hore, ehellada marxuumadda iyo dadweyne kale.

Geerida ku timid Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lama filaan ku noqotay dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna xilliga ay geeriyooneysay ay qayb ka ahayd wafdi uu hoggaaminayay ra’iisul wasaaraha oo howlo shaqo u joogay dalka Jabuuti.

Wasiirada ayaa la sheegay inay ku xanuusatay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, kadibna ayada oo la qorsheynayo in loo qaado dalka Turiga ay ku geeriyootay halkaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe