Wednesday, August 19, 2026
HomeWararDibaddaCiidamada dowladda oo kooxda AS kala wareegay deegaano ka tirsan Mudug

Ciidamada dowladda oo kooxda AS kala wareegay deegaano ka tirsan Mudug

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa dadka deegaanka ayaa saakay si buuxda ugala wareegay kooxda AS  deegaano ku yaala Koonfurta gobolka Mudug.

Deegaanada ay saakay la wareegeen ciidamada is kaashanaya ayaa kala ah Dhagaxdheer iyo Dahar Cali Xayloow, kuwaas oo hoostaga magaalada Caad ee koonfurta Mudug.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in ciidamada ay wali wadaan howlgal ay kusii baacsanayaan xubnahii Shabaabka ahaa ee laga saaray deegaanadaan hoostaga magaalada Caad.

Waxaa sidoo kale saraakiisha ay sheegeen iney sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale oo ay kooxda AS  kaga saarayaan dhamaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Mudug.

Ciidanka dowladda iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ka dhanka ah kooxda AS ka wada mudooyinkii dambe deegaanada dhaca Koonfurta gobolka Mudug ee maamul goboleedka Galmudug.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe