Falastiiniyiinta ku sugan Qaza ayaa sheegay in duqeymo ba’an oo cirka iyo madaafiicda ah ay dhacayeen subaxnimadii Isniinta iyadoo ciidamada Israa’iil oo ay taageerayaan taangiyo lagu riixay deegaanka ay weerar ku qaadeen taasoo dhalisay baaqyo badan oo caalami ah oo ku aaddan in la ilaaliyo rayidka.
Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay duqeeyeen in ka badan 600 oo bartilmaameedyo mintidiin ah dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay iyaga oo sii waday in ay ballaariyaan howlgallada dhulka ee Marinka Gaza, halkaas oo dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ay aad ugu baahan yihiin shidaal, cunto iyo biyo nadiif ah iyadoo colaadda ay galayso todobaadkii afaraad.
“Ciidamada IDF waxay dileen tobonaan argagixiso ah oo isku xiray dhismayaal iyo godad, waxayna isku dayeen inay weeraraan ciidamada,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay militariga.
Diyaaradaha Israel ayaa duqeeyay goobo ku dhow cisbitaalada Al-Shifa iyo Al-Qudus ee Gaza, waxaana maleeshiyaadka Falastiin ay isku dhaceen ciidamada Israel deegaan xuduudeedka bariga magaalada Khan Younis ee koonfurta, sida ay sheegtay warbaahinta Falastiin.
Saraakiisha caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan 20 falastiiniyiin ah la dilay, tobaneeyo kalena lagu dhaawacay xalay, kaddib markii ciidamada dhulka Israa’iil ay jihooyin badan ka soo galeen deegaanka xeebta ah.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay oo dhan ay maqlayeen rasaas iyo qaraxyo. Kooxaha Islaamiyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa sheegay in xubnahooda ay dagaal kula jiraan ciidamada Israel ee ku sugan Gaza iyo sidoo kale magaalada Jenin ee daanta galbeed.
Israa’iil ayaa soo bandhigtay muuqaallada taangiyada dagaalka ee ku sugan xeebta galbeed ee gobolka, taas oo muujinaysa dedaallo suurtagal ah oo lagu doonayo in lagu hareereeyo magaalada ugu weyn Qaza laba maalmood ka dib markii dawladda Israa’iil ay amartay duullaannada dhulka ah. Qaar ka mid ah sawirada la soo dhigay online-ka ayaa sidoo kale u muuqday inay muujinayaan askarta Israa’iil oo lulaya calanka Israa’iil gudaha Qaza.

