Wednesday, June 17, 2026
HomeWararDibaddaCabdikariin Xuseen Guuleed: Waxba iskama bedelin wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland

Cabdikariin Xuseen Guuleed: Waxba iskama bedelin wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland

Ergayga dowladda Soomaaliya u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in aanu wax iska beddelin mowqifka dowladda ee ku aadan wada hadalada Somaliland.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in howsha wada hadaladu ay meel fiican marayaan, loona baahan yahay in lagu garab istaago sidii looga miro dhalin lahaa arrintaas.

“Wax iska bedelay wada hadaladii iyo siyaasadii dowladda Soomaaliya ay kula dhaqmaysay Somaliland ma jiraan,” ayuu yiri ergay Cabdikariin Guuleed.

Dhawaan, dowladda Soomaaliya ayaa aqoonsatay maamulka SSC- Khaatumo oo horey degaanadooda qeyb uga ahaa Somaliland, ka hor inta aysan bilaaban rabshadihii ka dhacay magaalada Laascaanood sanadkii hore.

Somaliland ayaa aad u cambaaraysay in dowladda Soomaaliya ay aqoonsato SSC- Khaatumo, waxayna sheegeen in tallaabadaas ay dhaawacayso wada hadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya wuxuu dhawaan sheegay in SSC- Khaatumo ay soo xirtay albaabkii gooni istaagga Somaliland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe