Sunday, November 8, 2026
HomeWararDibaddaCiidamada Federaalka & Daraawiishta Jubbaland oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ Kawada...

Ciidamada Federaalka & Daraawiishta Jubbaland oo howlgallo ka dhan ah ‘AS’ Kawada Jubada Hoose.

Ciidamada Kumaandooska gaarka u tababaran ee DANAB oo kaashanaya kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa Gobolka Jubada Hoose kawada howlgallo ka dhan ah ‘AS’ sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedkaas.

Ciidanka ayaa howlgalkooda ka kooban dhowr waji waxaana qayb kamid ah ay ku baarayaan miinooyinka waddooyinka ‘AS’ Ku aastay si looga hortago halista ka dhalan karta iyo deegaanno cusub oo ay ka dhigteen goobo lagu baaro Gaadiidka & Dadka la socda.

Ciidamadaan iskaashanaya ee DANAB iyo Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa dhowaan si rasmi ah ula wareegay mas’uuliyadda amni goobihii ay ka baxeen ciidanka midowga afrika ee ATMIS ka baxeen.

Sarkaal katirsan Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadu xoogga ay saareen sidii ay uga hortagi lahaayeen weerrada ‘AS’ ay ku qaadeyso qaar kamid ah saldhigyada Ciidankaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe