Saturday, October 17, 2026
HomeWararDibaddaDagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo AS oo ka socda deegaano ka...

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo AS oo ka socda deegaano ka tirsan Galmudug

Dagaal u dhaxeeya Ciidama dowladda, kuwa daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda oo isku dhinac ah iyo As ayaa ka socda deegaanada kala ah Dhagaxdheer iyo Daaday oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay dagaal ku qaadeen deegaanada oo ay ku sugnaayeen As

Dagaalkaan ayaa qeyb ka ah Howlgallo labadii maalmood ee la soo dhaafay Cidanka dowladda ay ka wadeen Gobollada Mudug iyo Galgaduud, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan As , sida lagu yiri qoraal ka soo baxay warbaahinta dowladda.

Maalmihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan Gobollada Galgaduud iyo Mudug oo ka tirsan Dowlad Gobaleedka Galmudug, ayaa waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka iyaga oo la wareegay deegaano dhawr ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe