Saturday, October 17, 2026
HomeWararDibaddaDFS oo Abu Dhabi ka doonaysa inay ka caawiso sii joogitaanka ATMIS...

DFS oo Abu Dhabi ka doonaysa inay ka caawiso sii joogitaanka ATMIS ee dalka

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa  ku jooga imaaraadka carabta ka horna waxa uu sii maray dalka Jabuuti oo uu kula kulmay Madaxwaynaha dalkaas.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kala – hadlay madaxda Jabuuti iyo Imaaraadka carabta sidii gacan loogu siin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda As ee ka socda deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala hadley Dowladda Jabuuti in ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya ee AMIS ee ku sugan gobolada dhexe aysan la bixin.

Ujeedada ugu way nee safarka Xasan Sheekh Maxamuud ee imaaraadka ayaa lagu sheegay in ay salka ku hayso labo qodob oo kala ah :

  • In Dowladda Imaaraadka carabtu ay ku taageerto qorshaha 90 maalmood dib loogu dhigaayo bixitaanka ciidamada Midowga Afrika, isla markaana ay olole u gasho.
  • In uu ka helo dhaqaale lagu taageero ciidamada Soomaaliya.

Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada olole dib loogu dhigaayo bixitaanka ciidamada ATMIS ka dib markii ay soo baxeen walaac la xiriira amniga dalka .

Dowladda Imaaraadka ayaa bishan wareejisey madaxtimada Golaha Amaanka oo ay qabteen bishii Juun.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe