Wednesday, August 5, 2026
HomeWararDibaddaRW Xamse & Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF oo ka shiray La-dagaallanka...

RW Xamse & Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF oo ka shiray La-dagaallanka musuqa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF, Mahmoud Mohieldin.

Kulanka ayaa looga hadlay dadaalka dowladda ay ku waddo dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo u diyaargarowga barnaamijka deyn cafinta kadib.

Agaasimaha IMF-ta ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka ay kula dagaallamayso musuqmaasuqa iyo horumarka laga sameeyay barnamijka deyn cafinta oo maraya heer gabagabo ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa weli kulamo kala duwan ka wada magaalada New York oo uu uga qeyb galay Shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, isagoo kulamo la qaadanayo qaar kamid ah madaxda ka qeyb gashay Shirkaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe