Ciidamada dowladda fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda As ka sameeyay deegaanada Miliqo iyo Baalal dheer oo ka kala tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay 27 xubnood oo ka mid ah kooxda Asoo ku sugnaa sadax xarumood oo ku yaala deegaanada Miliqo iyo Baalal dheer ee dowlad goboleedka Galmudug.
Ciidamada is garabaanaya ayaa sidoo kale la tilmaamay in howlgalka ay ku burburiyeen gaadiid iyo saanad ciidan oo ay wateen xubnaha Shabaab ee howlgalka lagu khaarajiyay.
Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in howlgalada lagu baacsanayo kooxda Shabaab ay wali wadaan ciidamada is kaashaanaya.
Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ka socda howlgalada ka dhanka ah As ku sugan deegaanadaas, waxaana xusid mudan in ciidamada ay howlgaladaasi As uga saareen as deegaano badan oo ay horay u maamuli jirtay kooxda.

