Wednesday, August 5, 2026
HomeWararDibaddaHowlgallo ka socdo gobolka mudug

Howlgallo ka socdo gobolka mudug

Wararka ka imaanaya Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in hawlgalka ka socda gobolkaasi uu galay wejigiisii ugu dambeeyay ee lagu soo geba-gabeynayo joogitaankii maleeshiyada As  ee gobolka.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay maleeshiyada ka saaray inta badan deegaanadii ay ka haysteen gobolkaasi, haatana ay ku harsan yihiin deegaano faro ku tiris ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadii qabtay deegaanka Bacaadweyne iyo kuwii kale ee la wareegay deegaanka Cammaara ee isugu tegay Cammaara ay hadda cagta saareen waddada aadda deegaanka Caad. Caad waa deegaanka ugu muhiimsan ee xilligan Shabaabka uga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi, marka laga soo taggo deegaanka Jowle, oo hoostagga Degmada Xarardheere.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe