Saturday, July 25, 2026
HomeWararDibaddaWafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood

Wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa Maanta oo khamiis ah gaaray wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo siweyn  loogu soo dhaweeyay gudaha magaaladaasi Laascaanood.

Wafdigaan oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee dowladda Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Timacade iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Jaamac Khaliif.

Ujeedka wafdiga ee Laascaanood ayaa waxa uu yahay sidii ay kulamo ula qaadan lahaayeen Maamulka SSC-Khaatumo iyo Odayaasha dhaqanka, iyagoona kala hadli doona xaaladda guud ee magaaladaasi oo laga qabsaday Maamulka Somaliland.

Sidoo kale wafdiga ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa booqan doona xaafadaha Laascaanood oo ay ka muuqdan burbur xooggan oo kasoo gaaray madaafiicdii ay ciidanka Somaliland ku garaacayeen bilihii lasoo dhaafay.

Ciidanka SSC-Khaatuma ayaa dagaalo saf-ballaaran ah Laascaanood iyo deegaanada hoostaga uga saaray ciidanka Maamulka Somaliland, waxaana inta ay socotay Colaada ku naf-waayay boqolaal qof, halka kumanaan kun qofna ay ku barakaceen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe