Saturday, July 18, 2026
HomeWararDibaddaDowladda Soomaaliya oo dallacsiinaysa ciidanka iska caabiyay weerarkii as ee Awdheegle

Dowladda Soomaaliya oo dallacsiinaysa ciidanka iska caabiyay weerarkii as ee Awdheegle

Dowladda Soomaaliya ayaa min labo darajo dallacsiinaysa askartii ka qeyb qaatay iska caabinta weerarkii ay kooxda As kusoo qaadeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeeladda hoose.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Jeneraal Ibraahim Sheikh Muxiyadiin oo gaaray degmada Awdheegle ayaa ciidamada Gorgor iyo kuwa14 October ee ka howlgalla Awdheegle uga mahad celiyay sida uu sheegay jabka ay u geysteen Shabaabkii soo weeraray.

“Ciidanka labada guuto ka kooban ee halkaan ka dagaalamay waxaan rabaa min labo darajo in la dalacsiiyo oo liiskooda la iisoo qoro. Waxaan ballanqaadaynaa in askari kaste dalacsiinta darajadiisa ku mushaar qaato,” ayuu yiri taliyuhu.

Taliyaha ciidanka xoogga wuxuu sheegay, As saddex jeer oo ay soo weerareen Awdheegle inay jab xooggan kala kulmeen. Wuxuu ku ammaanay askarta inay sameeyeen naf hurid iyo inay cadowgooda tuseen awoodda ciidanka.

Ciidanka ku sugan Awdheegle ayaa Axadii iska caabiyay weerar Alshabaab kusoo qaadeen, waxayna ku guulaysteen inay dilaan in ka badan 20 katirsan Shabaab sida ay dowladdu sheegtay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe