Friday, July 17, 2026
HomeWararDibaddaHay’adaha ammaanka Gobolka Mudug oo raadinaya Koox Gaalkacyo ku dishay Dr Sakariye...

Hay’adaha ammaanka Gobolka Mudug oo raadinaya Koox Gaalkacyo ku dishay Dr Sakariye Cabdi Jaamac.

Ciidamada Ammaanka Gobolka Mudug waxaa ka socda howlgal lagu raadinayo kooxihii dilay Allaha u naxariistee Dr Sakariye Cabdi Jaamac oo lagu dhex toogtay goobtiisa, waxa ay wararku sheegayaan in ‘aano’ awgeed loo dilay.

Hay’adaha amniga ayaa ku goodiyay in ay gacanta kusoo dhigi doonnaan kooxahaas oo kasoo muuqday muuqaal ay duubeen kaamirooyinka CCTV-ga loo yaqaan oo ku xirnaa goobta caafimaad ee dilkaas loogu geystay Dr Sakariye.

Maamulka Gobolka Mudug & Duubabka dhaqanka ay kasoo jeedaan Maleeshiyo-beeleedka is uguursanaya ayaa wadajir uga wada hadlay in gacanta lagu soo dhigo dadka dilalka aanooyinka la xiriira geysanaya ee nafta dhaafinaya haldoorka Bulshada.

Dowlad-Goboleedka Puntland oo maamulka ahaan Gaalkacyo dhanka Waqooyi ka maamusho ayaa xoogga saartay saacadihii lasoo dhaafay sidii loosoo qaban lahaa Ragga hubeysan ee dilka geystay si looga hortago dilal kale oo dhaca.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe