Friday, July 17, 2026
HomeWararDibaddaMW Cali Guudlaawe: “Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ in la dhammeystiro ayaa...

MW Cali Guudlaawe: “Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ in la dhammeystiro ayaa la rabaa”.

Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo la hadlay dadka deegaanka ee ‘Maxaa Siciid’ ayaa kula dardaarmay in ay xoojiyaan dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Waxa uu tilmaamay muddo 8 bil ah dadka deegaankaas ay gacanta ku hayaan deegaankooda loona baahan yahay in ay garab & gaashaan u noqdaan dadka ku sugan deegaannada kale ee u dhow si howlgalka loo gaarsiiyo.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa hoosta ka xariiqay in haddii deegaannada laga qabsaday ‘AS’ ay dib ugu soo laabtaan in dedaalkii la bixiyay uu noqonayo mid khasaaray.

“Haddii Nimankii soo noqdaan deegaankaan Horumarkiisa lagama shaqeyn karo, waa taqaaniin deegaan aan nabad ahayn miyaa horumar laga shaqeyn karaa? Waxa aad gashiin waa la idin yaqaanaa, waxa aan rabnaa in la diyaargaroobo, Shabaab xamar ayaa xabbad looga soo billaabay meesha ay sii socdaan waad ogtihiin, inta dhiman in aan isla dhammeystirnaa isla rabnaa” MW Cali Guudlaawe Xuseen.

Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka socda dhaqdhaqaaq ciidan oo ay hormuud u yihiin madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, Ku xigeenkiisa Yuusuf Dabagabeed iyo mas’uuliyiin heer federaal ah kuwaas oo marba deegaan kula kulma Ciidamada iskaashanaya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe