Thursday, July 16, 2026
HomeWararDibaddaSoomaali Kanada laga soo masaafurinayo oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday in...

Soomaali Kanada laga soo masaafurinayo oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ka codsaday in ay soo farageliso kiiskaas.

Dowladda Kanada ayaa dhaqangelineysa go’aanka lagu masaafurinayo in ka badan 150 ruux oo si sharci darro ah kusoo galay kuwaas oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, markii la eegay dukumiintiyadooda lagu ogaaday sidaas.

Kanada ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay dib u celinta Dadkaan oo dhalasho kala duwan ka heysta dalal Xasiloon balse markii ay galeen dalkaas iyaga oo maray si sharci darro ah ay waayeen warqadaha sharciga dalkaas.

Qaar kamid ah muwaadiniintaas dhalashadoodu dhabta ah Soomaaliya ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ka codsadeen in ay soo farageliso kiiskooda si ugu yaraan looga hortago go’aankaas dib u celinta ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay waxba ka qaban Karin maadaama dadkaan loo heysto kiis la xiriira in ay si sharci darro ah ku galeen waddankaan dhaca Waqooyiga Qaaradda Ameerika ee Kanada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe