Wednesday, July 15, 2026
HomeWararDibaddaCiidanka dowladda iyo kuwa Deegaanka oo As kala wareegay dhowr deegaan

Ciidanka dowladda iyo kuwa Deegaanka oo As kala wareegay dhowr deegaan

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka oo is garabsanaya ayaa kooxda As maanta kala wareegay deegaanno dhowr ah oo dhaca inta u dhaxeysa magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Ceelbuur.

Sida aan wararka ku helnay ciidanka huwanta ah ayaa cagta mariyay fariisimo ay As  ku lahaayeen deegaanno dhaca duleedka Dhuusomareeb kuna wajahan dhinaca degmada Ceelbuur.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa la xaqiijiyay in ay la wareegeen deegaannada Ceel-lahelay, laba -dulle,dhaban-dhul kuhays iyo dhul kale oo howd ah ay ku sugnaayeen As.

Howlgalkan ay ciidanka huwanta ah kula wareegeen deegaannada ay joogeen As  ayaa imaanaya xilli uu socdo abaabul xooggan oo lagu doonayo in mar kale lagu duulo bariga Galgaduud lagan saaro As degmooyinka iyo deegaannada ay ka joogaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe