Wednesday, July 15, 2026
HomeWararDibaddaR/Wasaare kuxigeenka Somalia oo sheegay qatarta ey leedahay isbedelka Cimilada

R/Wasaare kuxigeenka Somalia oo sheegay qatarta ey leedahay isbedelka Cimilada

R/Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa ka qeyb galay shirka isbeddelka cimillada Afrika (ACS23) oo ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale, Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen madax badan oo ka kala socota adduunka ayaa maalmaha uu socdo looga falanqeyn doonaa cimilada adduunka ee sii xumaanaysa iyo sidii xalal loogu heli karo caqabadaha iyo duruufaha ay sababtay isbedelka cimiladu.

Dhanka kale, Saalax Jaamac ayaa sheegay in khatarta labaad ee marka laga soo tago amniga iyo la dagaallanka argagaxisada ay tahay isbedelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay dalkeenna iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

R/Wasaare kuxigeenka ayaa maalmaha uu joogo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya la kulmi doona masuuliyiin iyo madax badan oo kasoo qeyb galaysa shirkan looga hadlayo arrimaha isbadalka cimilada Afrika.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe