Friday, July 10, 2026
HomeWararDibaddaPuntland oo iska kansashay Nidaamkii Furdooyinka dowladda Somalia

Puntland oo iska kansashay Nidaamkii Furdooyinka dowladda Somalia

Wasaaradda maaliyadda dowladd goboleedka Puntland ayaa shaacisay in ay gabi ahaanba joojisay nidaamkii furdooyinka Soomaaliya ee SOMSA, waxa ayna wasaaraddu sheegtay mid iyada u gaar ah sameesatay Puntland.

Sidoo kale, qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay in ka maamul ahaan hadda u guureen hab cusub oo computerized ah,  kaa u gaar ah maamulkooda loona yaqaan (PUNTCAS).

Dhanka kale, nidaamka furdooyinka Soomaaliya ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ku soo dalban jireen cadeynta alaabta ganacsi ahaan u keensadaan, waxaana nidaamkan uu ahaa mid isku xiran, balse hadda Puntland sheegtay in bay ka baxday,.

Kulan wasiiru-dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo wasiir kuxigeenka maaliyadda Puntland ka qeyb galeen ayaa lagu soo bandhigay  in xafiiska ICT-gu uu ku guulaystay in uu dhamays tiro nidaamkii ay gacnacsatua ku soo dalban jirtay markii ay badeecadooda ay cashuuranayaan ayna gaar u yahay dowlada Puntland.

Wasaaradda Maaliyadda Puntland ma faahfaahin sababta ay uga guurtay nidaamkii guud ee furdooyinka Soomaaliya oo ay hore u isticmaali jirtay, waxa uuna goáankan imaanayaa xilli uu khilafa xooggan ka dhax jiro dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe