Sunday, May 24, 2026
HomeWararDibaddaAxmed Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayay oo si weyn loogu soo dhaweeyay...

Axmed Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayay oo si weyn loogu soo dhaweeyay Laascaanood

Madaxweyne kuxigeenka dowlad goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) iyo wafdi la socda ayaa goordhaw gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Axmed Karaash oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno katirsan maamulka Puntland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay duleedka iyo gudaha magaalada Laascaanood.

Wafdiga Axmed Karaash horkacayay ayaa loo galbiyay goob gaar ah oo loo qorsheeyay , waxaana la filaa in halkaasi kula kulmaan madaxda maamulka Khaatumo iyo Garaadada dhaqanka.

Safarka Axmed Karaash ku tagay magaalada Laascaanood ayaa imaanaya xilli maalmo kahor maamulka Somaliland laga saaray duleedka Laascaanood , gaar ahaan xerada ciidamada ee Goojacadde oo farriisin u aheyd.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe