Monday, May 25, 2026
HomeWararDibaddaWasiir Carbeed oo shaqada laga joojiyay lana baarayo kaddib markii ay la...

Wasiir Carbeed oo shaqada laga joojiyay lana baarayo kaddib markii ay la kulantay Eli Cohen

Ra’iisul wasaaraha Liibiya, Abdul Hamid Dbeibah ayaa Axaddii sheegay inuu shaqada ka joojiyay wasiirkii arrimaha dibadda ee dalkaas, uuna u gudbiyay baaritaan, kaddib war kasoo baxay Israa’iil oo lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda uu kulan kula qaadatay dhiggiisa Libya toddobaadkii hore magaalada Rome.

Liibiya wax xiriir diblumaasiyadeed ah lama lahan Israa’iil, sida dhowr waddan oo Carbeed.

Bayaan ka soo baxay Israel oo lagu shaaciyay kulanka ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen iskaashiga suurtagalka ah, oo ay ku jiraan gargaarka Israel ee arrimaha bini’aadantinimada, beeraha iyo maamulka biyaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Eli Cohen ayaa sidoo kale sheegay in uu ku adkeeyay dhiggiisa Liibiya Najla al-Mangoush muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhaxalka Yahuudda ee dalkeeda. Wada-hadalladaas waxaa fududeeyey wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga.

Maxay ahayd falcelinta Liibiya?

Ku dhawaaqista Israa’iil ayaa dhalisay mudaaharaadyo yar yar oo Liibiya ka dhacay.

Xukuumadda Midnimada Qaran ee Ra’iisul Wasaare Abdul Hamid Dbeibah ayaa qoraal ay soo dhigtay Facebook ku shaacisay go’aanka “si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay” Wasiirka Arrimaha Dibadda Najla al-Mangoush, iyadoo lga codsadey inay ku wareejiso faylalka wasaaradda arrimaha dibadda wasiirka dhalinyarada.

Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa bayaan ay soo dhigtay boggeeda Facebook ku sheegtay in Mangoush uu diiday wax kulan ah oo uu la yeeshay wakiillada Israa’iil, iyadoo la raacayo mowqifka dowladda Midnimada Qaran.

Wasaaradda arrimaha dibadda Liibiya ayaa arrintan ku tilmaantay “fursad iyo kulan aan rasmi ahayn, wixii ka dhacay Rome wuxuu ahaa shir aan rasmi ahayn oo aan horay loo sii qorsheyn,” ayay wasaaraddu tiri, iyadoo intaas ku dartay in kulankaas uu dhacay intii uu socday wadahadallo uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga. kuma jirin wax heshiisyo ah.

Sanadihii la soo dhaafay Israa’iil waxa caadi ka dhigatay xiriirkeeda diblomaasiyadeed ee ay la leedahay dalal badan oo Carbeed sida Imaaraadka Carabta , Baxrayn , Marooko iyo Suudaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe