Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska DANAB oo garab ka helaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland iyo ‘AS’ ayaa ku dagaalamay Galbeedka Magaalada Kismaaayo gaar ahaan deegaanka Labi Kuus.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka & Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland, dagaalkaan ayaa socday muddo kooban waxaana ka dhashay dhimasho, dhaawac iyo khasaara hanti oo aan tira rasmi ah laga shaacin.
Afhayeen Ciidamada Dowlad-Goboleedka Jubbaland Gaashaanle dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa sheegay in ciidamadu ay ka feejignaayeen duullaanka kana hortageen maadaama howlgallo culus ay wadaan ciidamadaas iskaashanaya.
“In la hubo tiro 22 xubnood oo katirsan Khawaariijta ‘AS’ ayaa lagu dilay howlgalkaan oo saameyn ku reebay dhul gaaraya 40 KM, Waxaa la burburiyay saldhigyo & agab ciidan ay diyaariyeen si ay howlgal ugu fuliyaan deegaanka Janaay Cabdalla balse waxaa kahortagay Ciidamada Federaalka & Kuwa Jubbaland” ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada DG Jubbaland.
Saraakiisha Ciidamada Federaalka & Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay xoogga saareen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ maadaama ay billaabeen la wareegista mas’uuliyadda amniga kaddib markii ciidamo katirsan kuwa Midowga Afrika ay ku wareejiyeen mid kamid ah saldhigyadooda.

