Sunday, June 21, 2026
HomeWararDibaddaMW JFS oo Siyaasiyiinta & Bulshada Galmudug kala hadlay Xasilinta Deegaannada laga...

MW JFS oo Siyaasiyiinta & Bulshada Galmudug kala hadlay Xasilinta Deegaannada laga qabsaday ‘AS’.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug oo uu kala hadlay xasilinta deegaanada laga xoreeyay Asiyo qorshaha dowlada ku gaarsiineyso adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiinta uu la kulmay la wadaagay dadaalka dowladdu ay ku bixiso  -sidii As looga saari lahaa  degaanada haatan ay ku harsan yihiin Galmudug iyo Guulaha  wax ku ool ka ah ay ciidamada qaranku ka gaareen Hawlgallada ka dhan ka ah As , isaga oo bogaadiyay garab istaaga dadka deegaanka ee halyeeyada ciidamada qalabka sida.

Kulanka uu Madaxweynaaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud uu la qaatay  qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug ayaa  ku soo aadaya Xilli Ciidamada  Dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka ay shalay la wareegeen gacaan ku heynta degmada Ceel buur  ee gobolka Galahduud halkaas oo muddo  ay maamulayeen As  .

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe