Friday, May 1, 2026
HomeWararDibaddaMaxkamadda CQS oo xukun ku riday darwal waday gaari lagu soo raray...

Maxkamadda CQS oo xukun ku riday darwal waday gaari lagu soo raray agab laga farsameeyo Qaraxyada.{SAWIRO}

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun ku riday darawal waday gaari lagu soo raray walxa Qarxa iyo shan haween oo saarnaa gaarigaas kuwaas oo  Maxkamaddu sheegtay in ay ahaayeen xaasaska xubno ka tirsan AS.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda ayaa lagu sheegay in April 21, 2023-ka ay ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka NISA ku qabteen Number -50  Gaari Layla Calaawi ah oo Kuunya ka soo shiraacday, kaas oo waday agab laga farsameeyo qaraxyada iyo Xaasaska xubno ka tirsan AS.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa August 8, 2023-ka waxa ay u fadhiisatay dhagaysiga dacwaddaan iyada oo dhinacyada dacwadda siisay fursad uu mid kastaahi ku xajisan karo cadeymihiisa, sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda.

Maanta ayay Maxkamadda ku kala xukuntay kow Yusuf Cali Nuune Aadan Darawalkii gaariga, iyada oo ku xukuntay Sedax sano oo Xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay in uu iska hubin waayay rarka uu soo qaaday.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa go’aamisay in ay Muqdisho ka bixi Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Shiiq-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi, iyada oo Maxkamadda sheegtay ku xukuntay muddo laba sana ah oo ah ilku haynta Boliiska,

Waxa ay Maxkamadda sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka sida.

May be an image of 7 people and headscarf

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe