Sunday, June 21, 2026
HomeWararDibadda20 kamid ah dagaalamayaasha As oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka...

20 kamid ah dagaalamayaasha As oo lagu dilay howlgal ka dhacay gobolka Shabeellada hoose

In ka badan 20 Alshabaab ah ayaa lagu dilay howlgal qorshaysan oo ciidamada dowladda Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ay ka fuliyeen deegaanka Cali Fuuto oo qiyaastii 35 KM u jira degmada Kuntuwaaray ee Shabeellaha Hoose.

Howlgalkaan oo dhacay xalay saqdii dhexe abaaro Saddexdii habeenimo, ayaa waxaa lagu beegsaday laba guri oo ay As ay ku diyaarinayeen dagaalamayaal iyo waxyaalaha qarxa.

Howlgalka waxaa lagu burburiyey guryihii As fariisinka u ahaa iyo wixii saanad ciidan ahaa ee halkaas ay ku diyaarinayeen, sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.

Dhawaan, maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in duqeymaha ka dhanka ah Alshabaab ay noqon doonaan kuwa si joogto ah looga fuliyo goobaha Shabaabku isugu yimaadaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa isna xalay ka sheegay magaalada Dhuusomareeb wajiga koowaad ee howlgalka dib xoraynta uu ka socda degaanada Koonfur Galbeed, isagoo sheegay Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamka in ay  ka go’an tahay sifaynta As.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe