Howlgalka lagu gubay gaarigan ayaa ka dhacay deegaanka Xuseen-Cageey oo hoostaga magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.
Hawlgalka ayaa dhacay ka dib markii hay’adaha amnigu ay heleen warbixin sirdoon, taasoo sababtay in lagu guuleysto in laga hortago gaarigan ay qaraxyada ku xirnaayeen.
Tallaabadan ayaa kusoo beegantay, xilli maanta ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyadii lagu xoreynayay degaanada bariga gobolka Galgaduud.
Ciidamo ka ambabaxay Degmada Galcad ayaa u ruqaansaday dhanka Galhareeri, iyagoona cagta saaray waddada xiriirisa labadaasi magaalo.
Ciidanka Kumaandooska Gorgor iyo Danab ee Xoogga Dalka oo horkacaya hawlgalkan ayaa lagusoo waramayaa inay la wareegeen deegaanka Baraagta Sheekh.
Ciidamada ayaa sidoo kale howglo balaaran ka sameeyey tuulooyinka Ceel gorof ,Ceel boore iyo Geedi koror oo u dhaxeeyay xadka gobollada hiiraan iyo galgaduud. Halkaas oo laga saaray miinooyinka Shabaabku ku aaseen.


