Thursday, October 15, 2026
HomeWararDibaddaMaxaa go’aan ah oo laga filayaa Madaxda Urur Goboleedka ECOWAS ee ka...

Maxaa go’aan ah oo laga filayaa Madaxda Urur Goboleedka ECOWAS ee ka shiraya Afgambigii ka dhacay Niger?

Urur Goboleedka ECOWAS oo xal u raadinaya xiisadda ka dhalatay afgambigii ka dhacay Dalka Niger ayaa Khamiista iyo Jimcaha oo ah 17ka & 18ka August 2023 fadhi gaar ah ku yeelan doonna dalka Ghana.

ECOWAS ayaa isku khilaafsan tallaabta ku habboon ee Militariga Afgambiga ku qabsaday Niger, taasi waxa ay keentay in madaxda ururkaas ay ku qasbanaadaan fadhi gaar ah si dood iyo falanqeyn dheer ay u sameeyaan.

Xubnaha ururka ECOWAS ayaa marar kala duwan dalbaday in xabsiga laga sii daayo Madaxweynihii la afgambiyay oo hadda ku jira xabsi gaar ah oo ay maamulayaan Saraakiisha Militariga xukun marooqsiga sameeyay.

Taliyihii Madaxtooyada Niger oo afgambiyay Madaxweynihii dalkaas Maxamed Bazuum ayaa si cad u sheegay in uu xilka la wareegay, waxa uu gaashaanka ku dhuftay codsida loo diray ee la xiriirta in uu xabsiga kasii daayo Madaxweynihii uu afgambiga ku sameeyay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe