Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Odayaasha dhaqanka kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka As kaas uu abaabulkiisa ka socda deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug, sidoo kale waxa uu Odayaasha kala hadlay Madaxweynaha sidii ay uga dheeraan lahaayeen kala qeybin dhexdooda ah.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka Galmudug ay tahay As, haddii la dhammeystiro xoreynta deegaannadana ay fududaanayso in la hirgeliyo mashaariicda horumarinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.
Kulankan oo qeyb ka ah kulammada abaabulka dadweynaha ee dagaalka ka dhan ah As oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ka wado Galmudug ayaa odeyaashu dhaqanku waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro halkan xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta Soomaaliya horumarsan oo nabad ah.

