Friday, April 24, 2026
HomeWararDibaddaDG Galmudug oo xal u raadineysa Dilalka la xiriira aanooyinka.

DG Galmudug oo xal u raadineysa Dilalka la xiriira aanooyinka.

owlad-Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in ay ku howlan tahay xal u helista dilalka la xiriira aanooyinka ee intooda badan ka dhaca deegaannada miyiga ah ee Gobolka Galgaduud oo muddooyinkii dambe soo kordhay.

Saraakiisha ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay ku raad-joogaan Dadka ku eedeysan in ay dilal aanooyin ah ay ka geysteen deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud si loola xisaabtamo.

Waxa ay Odoyaasha dhaqanka Beelaha & mas’uuliyiinta kala duwan ee deegaannada inta badan laga diiwaangeliyay dilalka aanooyinka ka dalbadeen in hay’adaha amniga kala shaqeeyaan soo qabashada gacan ku dhiiglayaasha.

Dhacdadii ugu dambeysay waxa ay ka dhacday deegaanka Dhabbad oo waxaa dilay 5 carruur oo la sheegay in ay wada dhiganayeen Dugsi qur’aan, Dowlad-Goboleedka Galmudug oo cambaareysay ayaa sii raacisay in ay ku raad-joogto dadkii nafta dhaafiyay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe