Friday, June 19, 2026
HomeWararDibaddaDhageyso:-madaxeynaha hirshabeele oo baaq u diray bulshada kunool deegaanka biyo- cade ee...

Dhageyso:-madaxeynaha hirshabeele oo baaq u diray bulshada kunool deegaanka biyo- cade ee gobolka shabeelaha dhexe.

Madaxweynihii ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ayaa maanta gaaray Magaalada Biya Cade ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Guudlaawe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa burka diirimeed ayaa Biya Cade uga qeybgalay Shirweyne nabadeyn ah oo ka dhacay Magaaladaaas.

Shirkaan nabadeed oo ay kasoo qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Mudane Axmed Meyre Makaraan Maamulka Degmada Mahadaay iyo Biya cade iyo Masuuliyiin kale ayaa lagu soo gunaanaday madmadow ka dhex jiray beelo walaalo ah oo wada dega Deegaanka Biyaha cade.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Maamulka iyo Bulshada deegaanka sida ay u maareeyeen gacan ka hadalkii ka dhacay deegaanka, isagoo ugu baaqay bulshada Biya Cade inay xoojiyaan nabadda deegaanka iyo wadajirka bulshada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe