Wednesday, June 3, 2026
HomeWararDibaddaCiidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ka hortagay Miino AS ku aasayeen waddo muhiim...

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ka hortagay Miino AS ku aasayeen waddo muhiim ah

Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa deegaanka ayaa dilay dagaalame katirsan kooxda AS, kaas oo walxaha qarxa ku aasayay wadada xiriirisa Janaay-Cabdalla iyo Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Danab ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dagaalame kale, kadib howlgal dhacay shalay gelinkii dambe.

Holwgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayay saraakiisha ciidamada dowladdu sheegeen inuu qeyb ka yahay howlgallo xiriir ah oo lagu ciribtiriyo Shabaabka ku sugan Jubbaland.

“Falalka geesinimada leh ee ay qaadeen ciidamada kumaandooska geesiyaasha ah iyo ciidamada maxalliga ah waxay tusaale u tahay go’aankeenna ah inaan dadkeenna ka ilaalinno dhibaatada argagixisada,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidammada oo ka hadlay dhacdada. “Waan sii wadi doonaa inaan ku sii adkaysano hadafkeena ah inaan ka hortagno oo aan ka takhalusno khatar kasta oo kaga timaada AS.”

Saraakiisha ammaanka ayaa shacabka ugu baaqday in ay feejignaadaan oo ay ku soo wargeliyaan hay’adaha amniga ee dowladd, wixii ay ka shakiyaan oo amnigooda halis ku ah.

Jubbaland ayaa kamid ah degaanada ay AS waxyeelada ku geystaan miinooyinka ay waddada ku aasaan, iyadoo khasaarha ugu badan uu soo gaaro dadka shacab ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe