Wednesday, May 6, 2026
HomeWararDibaddaFaahfaahino kasoo baxay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Goofgaduud buureey

Faahfaahino kasoo baxay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Goofgaduud buureey

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xoogan oo Xalay dagaalamayaal ka tirsan Ururka AS ay ku qaadeen deegaanka Goofgaduud buurey oo qiyaastii 30 KM u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanka uu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa AS dagaal xoogan oo qaatay in ka badan hal saac oo xiriir ah, kaasoo la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Lama oga khasaraaha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Xalay ku dhexmaray deegaanka Goofgaduud buureey ciidamada dowladda iyo kuwa AS , mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Deegaanka Goofgaduud buureey waxa uu ka mid yahay deegaanada istaraatiijiga ah ee laga difaaco magaalada Baydhabo oo maamulka Koonfur Galbeed u ah Caasimada ku meel gaar ah.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii AS ay la wareegtay gacan ku heynta deegaankaan oo ay mudo kooban haysatay, islamarkaana ay dib ula wareegeen deegaanka ciidamada dowladda Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe