Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaAadan Madoobe oo kulan la yeeshay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka

Aadan Madoobe oo kulan la yeeshay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hooygiisa kulan casho sharaf ugu sameeyay Guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka casho sharafta ah waxaa lagu casuumay, Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, kuwaasi oo dhammaantood soo noqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay iska xog-wareysteen xaalada dalka gaar ahaan habsami u socodka shaqada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur  ayaa Guddoomiyeyaashii hore kaga mahadceliyay sida ay u soo ajiibeen kulankaan casho sharafta ah.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kamid ahaa madaxdii ka qeyb gashay shirkii Wadatashiga ahaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu la qaatay madaxdii hore ee dalka .

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe