Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaCiidanka dowladda oo hawgallo ka dhan ah AS ka sameeyay deegaano ka...

Ciidanka dowladda oo hawgallo ka dhan ah AS ka sameeyay deegaano ka tirsan Maamullada Hirshabeelle & Galmudug

Ciiidanka kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa maanta howlgalo ka sameeyay inta udhaxeyso degaanka Daaru-nimca  iyo Degmada Galcad oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

Intii ay socden howlgaladaan waxa ay ciidanku lakulmeen qaar kamid ah shacabka degan inta udhaxeysa Daarul-nimca iyo Galcad oo hoos yimaada Maamul Gobaleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay warbaahinta ku hadasha afka Ciidamada.

Taliye kuxigeenka ururka 7aad Guutada 16 aad Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Maxmed Xasan Abuukar dhala dheere  ayaa warbaahinta Ciidanka Qalabka Sida u sheegay in howlgalka lagu bur byriyay goobo ay joogeyn dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Guud ahaan Gobollada dalka ayaa waxaa ka socda hawgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ay deegaano ka tirsan Jubbaland ay kala wareegeen Al-Shabaab oo in muddo ah gacanta ku hayeen.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe