Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaMaskaxdii ka dambaysay Weerar lagu dilay dad ay ku jireen Injineero oo...

Maskaxdii ka dambaysay Weerar lagu dilay dad ay ku jireen Injineero oo la khaarijiyey

Idaacadda Radio Pakistan ayaa baahisay in la dilay hoggaamiyaha caanka ee kooxda hubeysan ee Daalibaanta Pakistan (Tehreek-e-Taliban Pakistan ee TTP.

Hoggaamiyahaasi oo magaciisa lagu soo koobay TARIQ ayaa waxaa lagu dilay Gobalka Kunar ee  Afgaanistaan.

Ninkaasi ayaa la sheegay inuu ahaa Maskaxdii ka dambaysay Weerar Is-qarxin ah oo lagu dilay ugu yaraan 3 qof oo Pakistani ah iyo 9 Engineer oo u dhashay dalka Shiinaha.

Weerarkaasi oo dhacay bishii July 14-dii ee sanadkii 2021-kii waxaa lala beegsaday Bas ay la socdeen Shaqaale Shiinees iyo kuwo Pakistani ah, kuwaasi oo ku sii jeeday Mashruuca Korontada ee Dasu Hydropower ee Degmadda Upper Kohistan ee Gobalka Khyber Pakhtunkhwa.

Telefishinka ARY NEWS ee dalka Pakistan waxa uu baahiyey in Ninkii fuliyey Is-qarxintaasi oo lagu magacaabi jirey Khalid Sheikh in lagu soo tababaray gudaha dalka Afgaanistaan, si uu u fuliyo Weerarkaasi.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe