Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaDiyaarad ay la socdaan Ra’isul Wasaarayaal hore oo kasoo degtay Muqdisho

Diyaarad ay la socdaan Ra’isul Wasaarayaal hore oo kasoo degtay Muqdisho

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad ay la socdaan Ra’isul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas.

Diyaaradan ay la socdaan masuuliyiintan iyo dad kale ayaa kasoo duushay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garawe, waxaana garoonka kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan madaxtooyada Soomaaliya.

Masuuliyiintan ayaa magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo beri ka furmaya Muqdisho, shirkaas oo ka qeyb galayaan madax hore iyo siyaasiyiin.

Imaanshaha magaalada Muqdisho Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Gaas ayaa imaanaya , xilli ay horey usoo baxeen warar sheegayay in diyaarad ay la socdeen ee Hala ay ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Diyaarada ku dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo iyana kasoo duushay magaalada Garawe ayaa waxaa saarnaa rakaab shacab ah, waxaana diyaaradan soo gaaray khasaaro xooggan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe