Monday, May 25, 2026
HomeWararDibaddaSuuqa degmada AFGOOYE oo maanta xiran {sawiro}

Suuqa degmada AFGOOYE oo maanta xiran {sawiro}

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa saakay sheegaya in uu xiran yahay inta badan suuqii ugu weynaa Afgooye.

Suuqa Afgooye ayaana sababta uu xiran yahay lagu sheegay in halkaasi tageen rag sheeganaya in ay leeyihiin milkiyadda dhulka uu kuyaallo suuqa ,taa oo xiisad dhalisay sababna u noqday in saakay xirmo.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa Afgooye ayaa sheegay in ay u yimaadeen rag warqado wata oo aysan aqoon, waxa ayna baaq u direen maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo kan Koonfur Galbeed in ay soo farogaliyaan xiisada taagan.

Ciidamo hubeesan ayaana wararku sheegayaan in lagu arkayo Suuqa Afgooye, ganacsatada Suuqa ayaana lasoo daristay xaalad cabsi iyo jahwareer isugu jirta.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe