Thursday, July 9, 2026
HomeWararDibaddaMuxuu yahay amarka uu Wasiir Mukhtaar Roobow uu duldhigay diyaardaha ka shaqeeya...

Muxuu yahay amarka uu Wasiir Mukhtaar Roobow uu duldhigay diyaardaha ka shaqeeya duulimaadka Xajka?

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow oo warbaahinta kula hadlay magaalada Barakeysan ee Makah Al-Mukarama ayaa amray diyaardaha ka shaqeeya duulimaadka in ay si degdeg ah dalka dib ugu celshaan Xujeyda Soomaaliyeed ee dhameystay acmaasha Xajka.

Sheekh Mukhtaar oo xafiiskiisa Maka kula hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyn ka warbixiyay hawlihii acmaasha xajka, xaaladda  guud ee Xujeyda Soomaaliyeed; laga soo bilaabo maalintii ay soo gaareen dhulka Barakeysan illaa ay ka dhameystaan acmaasha Xajka.

Wasiirka ayaa sheegay in sanadkaan Xujeyda Soomaaliyeed ay gaarayaan 11,650 Xujey, kuwaas oo uu sheegay Wasiirka in Wasaaradda ay soo mareen balse uu ka dhawaajiyay in ay jiraan Xujey kale oo Soomaaliyeed kuwaas oo dalalka kale ka imaadeen.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow oo sharaxaad guud ka bixiyay xaaladda guud ee Xujeyda ayaa yiri, “Xujeyda sanadkaan nooga dhimatay waa 4 Xaaji; laba dumar ah iyo laba rag ah. Waxaa naga luntay Saddex Xaaji, afar xaaji ayaa qaliin galay.”

Sidoo kale Wasiir Mukhtaar ayaa beeniyay in aysan jirin Xujey Soomaaliyeed oo looga soo tagay Bank Caraf, sidoo kale waxa uu sheegay in Xajka Culeys badan uu jiray maadaama ay xajka isugu timid in ka badan 2.5 Milyan kuwaas oo ka kala yimid dalalka Caalamka.

Si kastaba ha ahaatee maalmihii u dambeeyay waxaa jiray warar soo baxaya oo sheegay in Xujeyda Soomaaliyeed ay la kulmeen adeeg xumo, iyaga oo aan la siin gawaari ay ku gaareen goobaha loogu talagalay xujeyda in ay gaareen balse eedaamahaas oo dhan way iska fogeysay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe