Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa soosaaray natiijada kasoo baxday baaris uu xafiiskaan ku sameeyay Isku dhac dhexmaray Ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka oo ku sugan Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool.
Ciidamadaan isku dhaca dhexmaray ayaa kawada tirsan qaybta 60aad guutada 9aad kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray guryaha ay degen yihiin Dadka rayidka ah ee ku nool Degmadaas.
Xubno ka socda Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo u kuurgalay kiiskaan ayaa ugu dambeyn shaaciyay in natiijada usoo baxday ay u gudbinayaan Maxkamadda lana dhammeeyay wixii dhacay la iskuna dhafay ciidanka si ay wadajir u wada howlgalaan.
Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa tilmaamay in lala xisaabtamayo cid weliba oo kiiskaan ku lug yeelata si ay tusaale ugu noqoto in aanay markale dib usoo laaban isku dhac kale.
Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maamulka Degmada Ceelbarde u sheegay in uu u istaago sidii uu Bulshada ku wargelin lahaa in la dhammeeyay isku dhaca ka dhacay Degmadaas.

