Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaDeg deg:Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka oo tegay jiida hore ee...

Deg deg:Taliyaha cusub ee ciidanka Xoogga dalka oo tegay jiida hore ee dagaalka

Taliyaha cusub ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa maanta safarkiisii ugu horreeyay uga ambabaxay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, tan iyo markii xilkan loo magacaabay bishii hore ee June, wuxuuna gaaray degaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Taliyaha ayaa horay ka booqday furimaha dagaalka, wuxuuna tegay aagga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu soo dhaweeyay, isaga iyo wafdiga la socda.

General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Cadow ayaa sidoo kale booqday saldhiyada ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee ku yaalla duleedka magaaladaasi oo kamid ah goobaha ay sanadaha badan heysteen kooxda Al-Shabaab, balse haatan laga fara maroojiyay.

Ugu horreyn taliyaha ciidamada Xoogga dalka ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa ciidamada ku sugan difaacyada hore ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ka faahfaahiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolkaasi.

Dhankiisa taliye Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay ujeedka safarkiisa, wuxuuna shaaciyay inuu salka ku hayo isbarasho iyo kala xog-qaadasho.

Sidoo kale waxa uu faray ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi inay isu diyaariyaan wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo la filayo inoo dhawaan billowdo, waxaana qorshuhu yahay in howlgalkaas lagu qabto degmada Ceelbuur oo ay heysato Al-Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe