Wasiirka haweenka iyo xuuqul insaanka Soomaaliya, Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa xalay laga xaday taleefankeedii gacanta, intii ay socotay munaasabadda xuska kowda Luulyo oo lagu qabtay xarunta Villa Soomaaliya.
Muuqaal kooban oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay wasiir Khadiijo oo taagan masraxa xafladda, isla-markaana raadineysay taleefankeeda.
“Taleefoon yaa inta ka qaaday?” ayey ku tiri muuqaalka la baahiyay oo si u weyn u qabsaday baraha ay ku wada xiriirto ee Internet-ka.
Sidoo kale waxa ay dadka meesha joogay weydiisay cidda qaatay moobeylkeeda oo ay saaratay miis yar oo meesha yiilay.
“War taleefankeygii yaa qaaday intaan ayaa meesha joogtee?” ayay mar kale cod dheer ku tiri, Khadiijo Maxamed Diiriye.
Ma cadda in taleefanka ay mar dambe heshay iyo in kale, balse waxaa ku dhacay jahwareer, maadaama ay kaamirada soo qabatay, ayada oo qaylineysaa, isla-markaana raadineysa taleefankeeda gacanta.

