Friday, July 3, 2026
HomeWararDibaddaDhageyso:-Cali Guudlaawe: HirShabelle ma aha Xisbi laga baxayo

Dhageyso:-Cali Guudlaawe: HirShabelle ma aha Xisbi laga baxayo

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xiisadda ka dhalatay xilka qaadista uu ku sameeyay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Cali Guudlaawe oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar ayaa si adag uga hadlay tallaabada uu qaaday Jeyte oo ku dhowaaqay maamulka ‘Hiiraan State”.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle aysan noqon karin maamul goboleedka kale, isla-markaana aysan aheyn xisbi la’isaga bixi karo marka loo baahdo.

“Waxaa xaqiiqaa dowlad goboleed kale noqon mee HirShabelle, mana ahan xisbi laga baxayo waa sida aad ugu dhalatay deegaankan waad ku jiree intaad nooshahay qaybtaada ka qaado annagana waxaan ballan qaadeynaa inaan u nuglaano talo kasta oo naloo keeno” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay in loo baahan yahay in qofka haya mas’uuliyadda muddada uu joogo xafiiska lala shaqeeyo, haddii xilka laga qaadana lasoo dhaweeyo midka cusub.

“U dhalashada HirShabelle ahaashadeedu ma aha waxa dhamaanaayo, laakiin qof kasta oo mas’uuliyad haayo muddo kooban ayey leedahaye ee halagula shaqeeyo muddadaas, midka beri imaanaayana loola shaqeeyo waxay u dan tahay danta iyo degaanka” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulkiisa uu ku dadaali doono sidii looga gudbi lahaa in guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka lagu soo magacaabo digreeto, isla-markaana qorshahooda uu yahay in bulshada ay soo doortaan hoggaankooda.

“Guud ahaan degmooyinka HirShabelle dad la magacaabay oo digreeto kusoo baxay ayaa maamulo wixii hadda ka dambeeya dad ay bulshadu soo dooratay inuu hoggaamiyo ayaa naga go’an” ayuu  mar kale hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe